Allbanaadir.com
NEWS

China oo qaaday talaabo ay kaga aar-gudaneyso Mareykanka

Shiinaha ayaa isaga oo ka jawaabaya canshuurta 10% ee dheeraadka ah ee Mareykanka saaray badeecadaha Shiinaha, wuxuu dhankiisa canshuur dheeraad ah saaray badeecadaha laga soo dejiyo Mareykanka laga billaabo 10 bishan Maarso

Sida ay sheegtay dowlada shiinaha waxaa la beegsanayaa wax-soo saarka beeraha Mareykanka oo suuqa ugu weyn ee ay wax ka iibiyaan uu yahay Shiinaha!

Intaasoo kaliya ma aha sidoo kale Shiinaha ayaa 15 shirkadood oo Mareykan ah ku daray liiska shirkadaha aan la isku haleyn karin, waxayna badeecadooda galaysa Shiinaha maraysa baaritaan dheer

Talaabadan ayaa sababi karta khasaare badan oo shirkadahan ay la kulmi doonaan, sabab la xiriirta in badeecadaha shirkadan muddo badan la xannibi karo, taasoo xataa dhalin karta marka uu isbeddel ama waxyeello gaarto badeecadaha shirkadahan in dib loo celin karo ama lala wareegi karo

Waa dagaalkii ugu sarreeyay ee ganacsi oo dunidda arkayso — Shiinaha wuxuu qaatay mowqif ka duwan waqti kasta oo hore , isagoo qaadaya labo tallaabo mar kasta oo Mareykanka uu qaado hal tallaabo oo ka dhan ah Shiinaha!

Related posts

Sargaal kasoo goostay Somaliland oo S/Guuto loo dalacsiiyay loona magacaabay Taliye kuxigeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo Madaxtooyada Garawe ku qaabilay Gary Mackuk iyo xubno la socday (Sawirro)

Cabdi Cade

Weerar Cir iyo dhul ah oo saakay lagu qaaday deegaan Al Shabaab isku aruursanayeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---