Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse oo Cumro baxay una soo duceeyay Umadda Soomaaliyeed (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan dhibaatooyinka heysta oo ay ugu horreeyaan abaaraha iyo colaadda, uguna beddelo barwaaqo, nabad iyo midnimo.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre waxaa safarka Cumrada ku weheliya qaar katirsan wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya iyo xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in sannadkan uu noqon doono Gugii Guusha oo geesiyaasha ciidanka qalabka sida iyo shacabka oo wada jira ay uga xoreyn lahaayeen dalka Khawaarijta dhiigga ummadda daadinayay muddo 15 sano ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia iyo dhigiisa Midowga Yurub oo afar qodob ku heshiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Ingiriiska oo hub culus siinaya Somaliland iyo halista ay leedahay oo laga digay

Cabdi Cade

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Baraawe (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---