Allbanaadir.com
NEWS

Lacag aan caadi aheyn oo loo qeybiyay Ganacsato ku hanti beelay Suuqa Hargeysa (Sawirro)

Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray wejiga labaad ee dhaqaalaha loogu celinayo ganacsatadii hantidooda ku waayey masiibadii dabka ee dhawaan ku habsatay suuqa Waaheen ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Munaasibaddan oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu qaybiyey lacag dhan 6,766,418 (Lix Milyan, toddoba boqol iyo lix iyo lixdan kun, Afar boqol iyo siddeed iyo toban) doolar, taasoo loo qoondeeyey ganacsatadii hayntoodu u dhexaysay $5,001 ilaa $480,000 oo dollar.

Madaxweyne-ku-xigeenka  Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, ayaa guddida heer qaran ee hawshan gacanta ku haysa ku bogaadiyey sida xilkasnimada leh ee ay dedaalka u wadaan, waxana uu ku baaqay in lasii xoojiyo dedaallada qaadhaan ururinta ee gudo iyo dibadba ka socda.

Related posts

Maxaad kala socotaa sababtii uu kalluunka u liqay Nebi Yuunis Caleyhi salaam?

admin

(Akhriso) Cali Guudlaawe oo wareegto ku magacaabay la taliye cusub

Caydiid Ali

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay qorshaha howlgalka cusub ee AUSSOM

Cabdi Cade
Taboola Ads ---