Maxaa ka jira in Iran ay soo riday dayuuradii rakaabka aheyd ee Ukraine?

Sida lagu daabacay Warbaahinta Mareyknka dowladda Iiraan ayaa si kama’ ah u soo ridday dayuuraddii rakaabka ahayd ee laga lahaa Ukraine, taasoo Arbacadii ku dhacday meel u dhow magaalada Tehran, ayna ku dhinteen dhammaan 176-dii qof ee la socotay.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in diyaaradda Ukrainian International Airlines, oo nooceedu ahaa Boeing 737-800, uu ku dhacay gantaal.

Burburka diyaaradda rakaabka ah ayaa yimid saacado yar ka dib markii ay Iiraan fulisay weerar gantaallo loo adeegsaday oo lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee ku yaalla Ciraaq.

Warbaahinta CBS oo soo xiganeysa saraakiil ka tirsan sirdoonka Mareykanka ayaa sheegay in qalabka satellite ee hawada uu qabtay caddeymo muujinaya in diyaaradda uu gantaal ku dhacay.

Ukraine ayaa goor sii horreysay sheegtay inay baaritaan ku heyso sababtii ay u dhacday diyaaradda, iyo in uu soo riday gantaal.

Hase ahaatee Iiraan ayaa meesha ka saartay suurtagalnimada in gantaal uu ku dhacay diyaaraddaas, balse waxay sheegtay inuu socdo baaritaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -