Sheekh Aadan Madoobe oo laga sugayo xal u helida arrin muran badan uu ka jiro

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur  ayaa waxaa horyaala shaqooyin badan ay ugu horeeyaan hagida doorashada Madaxweynaha iyo xal u helida khilaafka ka taagan xildhibaanada Gedo lagu soo doortay.

Doorashadii shalay ayaa waxaa hareeyay qabsoomideeda khilaaf ka taagnaa in xildhibaanada lagu soo doortay magaalada Ceel-Waaq oo la qorsheeyay in doorashada ka qeyb galaan, waxaana tallaabadaasi kahor yimid xildhibaano taabacsan Villa Soomaaliya.

Dood dheer kaddib ayaa la go’aamiyay in xildhibaanada Gedo lagu soo doortay aysan cod ku yeelan doorashadii xalay dhacday, waxaana xal u helida khilaafka ka dhashay Xildhibaanada Gedo lagu soo doortay loo dhaafay guddoonka cusub ee gollaha shacabka.

Sheekh Aadan Madoobe iyo labada kuxigeen uu yeelan doono ayaa looga fadhiyaa in xal ka gaaraan Xildhibaanada 16-ka ah ee lagu soo kala doortay Ceel-Waaq iyo Garbahaarey, waxaana xildhibaanadaasi abuureen jahwareer siyaasadeed.

Guddoomiyaha cusub ee gollaha shacabka ayaa sidoo kale looga fadhiyaa jiheynta doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in si deg deg ah loo doorto marka laga baxo maalmaha ciida.

Dalka ayaa muddo ku jiray xaalad hubanti la’aan ah, hasa ahaatee waxaa Soomaaliya yeelatay guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka federaalka , kuwaa oo looga fadhiyo jiheynta doorashada Madaxweynaha iyo kasaarida dalka xaalada hubanti la’aanta ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -