DEG DEG: Heshiis laga gaaray Xildhibaanadii Ceelwaaq & kulankii Golaha shacabka oo furmay

Doorashadii gudoonka KMG ah ee baarlamanka Somalia ayaa goor dhow la isku raacay iney bilaabato ka dib markii lagu heshiiyey khilaafkii ka taagnaa xildhibaanadii laga keenay Ceelwaaq ee muranku ka taagnaa.

Kutladda NISA iyo Xildhibaanada K/Galbeed ayaa waday qalalaase ay ku diidan yihiin Xildhibanadii laga soo doortay Ceelwaaq oo ku jira Gudaha Teendhada Afisyoone oo lagu dooranayo Guddoonka Golaha Shacabka BFS, iyagoo sheegay iney fowdo kicin doonaan hadii ay codeeyaan

Gudoonka KMG ah ee golaha shacabka ayaa markii hore diiday in Xildhibaanadaas laga Doorashada ayaa ugu dambeyn aqbalay in codeynta laga reebo si doorashada caawa ay u qabsoonto

“16-ka Kursi ee laga soo doortay Ceel-waaq ayaa la isku raacay in aanay codeyn doorashada caawa ee guddoonka golaha shacabka” ayuu yiri xildhibaan la hadlay allbanaadir online oo jooga hoolka doorashada

- Advertisement -