Maxaa ka jira in Gudoomiye Mursal uu ka haray doorashada gudoonka Golaha shacabka?

Warar laga helayo ilo wareedyo kala duwan oo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaysa in Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan oo ka mid ahaa 8-da musharax ee u taagan gudoomiyaha Golaha shacabka uu isaga haray Tartanka.

Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan ayaa ahaa guddoomiyaha Baarlamankii xiligiisu dhamaaday ee Somalia.

Lama oga illaa hadda sababta uu Maxamed Mursal Shiikh C/raxmaan hase ahaatee wararka qaar ayaa sheegaya in markii horeba uusan rajo fiican ka laheyn tartanka, ayna jiraan musharaxiin kale oo si weyn loo hadal hayo in iney ku soo bixi karaan doorashada.

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

 

- Advertisement -