Cali Dheere oo ku faanay in Wali ka howlgalayaan Muqdisho xili jidadka ay xiran yihiin

Afhayeenka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa ka hadlay howlgalada ay Al Shabaab ka wadaan magaalada Muqdisho xili ay ciidamada dowlada ay xireen qaar badan oo kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho.

Cali Dheere ayaa sheegay in ciidamada dowlada ay dhibaatooyin badan ku hayaan shacabka magaalada Muqdisho ayna ka xirteen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada, waxa uuna xusay in saameyn badan shacabka ku yeelatay wadooyinka xiran.

” Shacabka Muqdisho Jidadkii ayaa laga wada xiray, iyadoo laga hor istaagay inay raadsadaan nolol maalmeedkooda, caruurtuna waxbarashadooda u dareeraan, iyadoo lagu andacoonayo in amniga la sugayo. Gawaaridii baan dhaqaaqi Karin, ganacsataan shaqeysan karin, meyd baan la aasan Karin, arday baan wax baran Karin, dhakhtar baan la tegi Karin, illaa ay gaareen heer ay haweenku wadooyinka ku umulaan” ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa xusay iyada oo wadooyinka ay xiran yihiin shacabkuna dhib badan ku qabaan in aysan saameyn ku yeelan wadooyinka xiran, waxa uuna ku faanay in bisha Ramadaan kaliya weeraro badan ka geesteen agagaarka xarunta Madaxooyada.

”Hawlgallada Mujaahidiintu marna ma uma hakan jidadkaa la xiray, si dardar ah ayayna Muqdisho iyo nawaaxigeeda uga socdaan howlgaladoodii ay ku baacsanayeen dowlada, bishii Ramadan oo kaliya dhowr jeer ayey weeraro ka dhaceen albaabada madaxtooyada iyo koontaroolada laga ilaaliyo” ayuu yiri Cali Dheere.

Hadalka Afhayeenka Al Shabaab ayaa kusoo aadaya xili ay wali xiran yihiin wadooyin badan oo kuyaala magaalada Muqdisho sidoo kale ay magaalada ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay qaraxyo iyo dilal Al Shabaab sheegteen masuuliyadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -