(Daawo Sawirro) Maxkamadda sare oo daahfurtay hanaanka cusub ee gal-dacwadeedka Electarooniga

Munaasabad lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka Electarooniga ah ee Maxkamada sare, tan racfaanka iyo mida gobolka Banaadir ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeyb galay Munaasabadaas Guddoomiyaha maxkamadda sare , wasiirka cadaalada , xeer ilaaliyaha guud ee qaranka,  guddomiyayaaha maxkamadaha racfaanka iyo tan gobolka banaadir, garsoorayaal iyo shaqaalaha heyadaha garsoorka ee dalka.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir  oo ugu horeyn ka hadlay furitaanka xaflada, ayaa bidhaamiyey muhiimada uu leeyahay  System-kan cusub ee Electarooniga.

Wasiirka cadaaladda Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji oo isna xaflada ka hadlay, ayaa tilmaamay in nidaamkan cusub uu sahli doono in si deg deg ah loo soo afjaro kiisaska la horgeeyo maxkmadaha dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed    oo ugu dambeyn ka hadlay xaflada lagu daahfurayey hanaanka gal-dacwadeedka electarooniga ah ayaa sheegay in hanaankan cusub laga dhaqan gelin doono maxkamadaha dalka wuxuuna intaa ku daray in nidaamkan uu meesha ka saari doono musuq maasuq iyo wax isdaba marin.

Dhaqan gelinta  hanaanka gal-dacwadeedka  Electarooniga ah ee maxkamada sare , tan racfaanka iyo mida gobolka banaadir ayaa sahli doona waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin keydinta iyo xifdinta galalka iyo daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka maamulka dacwadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -