Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in uu dhisayo hay’ad cusub oo qaabilsan ka…

Puntland,  ayaa maanta sheegtay in ay markii u horraysay dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda Lacagaha sharci-darrada ah (Money Laundering).

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta Boosaaso kula shiray Ganacsatada Gobolka Bari ayaa u sheegay in maamulkiisa dhawaan hirgelin doonto hay’ad qaabilsan ka hortagga dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah oo ay caan ku yihiin rrgagixisada ISIS.

“Waxaa dhowaan la hirgalin doonaa hay’ad ka hortagta dhaqidda lacagaha sharci-darrada ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni oo la hadlayay Ganacsatada Gobolka Bari, waxaana uu intaasi ku daray in kooxaha Argagixisada ah adeegsadaan hannaanka dhaqidda Lacagaha Sharci-darrada ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale Ganacsatada Gobolka Bari u sheegay in laga guulaystay argagixisadii ISIS ee dhibaatada xooggan ku haysay ganacsatada Boosaaso, islamarkaana ka qaadi jirtay lacaga baadda ah, oo ay ku sheegaan Sakawaadka.

 

Related posts

(Video) Rag dilal & Qaraxyo geystay oo la toogtay & Ciidamada Itoobiya oo la qarxiyey

admin

Wasiir Beyle oo ka qeyb galay xuska Maalinta caalamiga ah ee Furdooyinka (Sawirro)

Caydiid Ali

Bannaan bixii ugu weynaa ee looga soo horjeedo Benjamin Natanyahu oo ka dhacay Qudus

Cabdi Cade
Taboola Ads ---