Muxuu Madaxweyne Farmaajo ka yiri dib u doorashada Dhigiisa Emmanuel Macron?

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay doorashooyinkii ka dhacay dalka Faransiiska.

Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Dhiggiisa dalka Faransiiska Mudane Emmanuel Macron guusha uu ka gaaray doorashooyinka dalkaas, kaddib markii dib loo doortay muddo xileed labaad.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Madaxweynaga faransiiska Emmanuel Macron dib u doorashadiisa waxaana u rajaynayaa guul” ayaa lagu yiri qoraal loo adeegsaday luuqada Faransiiska oo lagu daabacay bogga Twitterka uu ku leeyahay Farmaajo

Farmaajo ayaa qoraalkiisa intaa ku daray in Faransiiska iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeya iskaashi soo jireen ah, kaasoo uu sheegay iney xoojin doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -