Warar kala duwan oo kasoo baxaya xaalada Hogaamiye Kim Jong Un

Warbaahinta dalka Mareykanka qaarkood ayaa qoraya in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, kadib qaliin dhinaca wadnaha ah oo lagu sameeyay.

Telefishinka CNN oo soo xiganaya sargaal Mareykan ah ayaa sheegay in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxa uuna tilmaamay telefishinka in qaliin dhinaca wadnaha lagu sameeyay Hogaamiye Kim Jong.

Warbaahinta Bloomberg oo soo xigatay sarkaal aan la magacaabin ayaa ku waran tahay in xaaladda Hogaamiye Kim ay ka dartay markii qalliinka lagu sameeyey, waxa ayna Bloomberg ku warantay in lala tacaalayo xaalada Hogaamiyahan mayalka adag.

Shakiga xaalada caafimaad ee Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi ayaa sii xoogeesatay kadib markii Kim Jogn Un kasoo muuqan waayay dabaal-degga sanad-guurada dhalashada awoowgiisa oo ku beegneyd 15-kii April.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa baahinaya in ay adag tahay in xog rasmi ah laga helo xaalada caafimaad uu xiligan ku sugan yahay Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, waxa ayna Warbaahintan kaliya tabiyeen in xaaladiisa halis tahay.

Dowlada Kuuriyada Koonfureed iyo Shiinaha ayaa shaki galinaya warkan laga faafinayo xaalada caafimaad ee Hogaamiye Kim Jong Un, waxa ayna dowladahan sheegeen in aysan maqal wax siyaado ah.

Warbaahinta madaxa banaan ayey ku adag tahay in xogo rasmi ah ka helaan wadanka Kuuriyada Waqooyi gaar ahaan xaalada dhabta ah uu ku sugan yahay Hogaamiyaha dalkaasi maamula ee Kim Jong Un oo marar badan laga soo tabiyay warar kala duwan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -