Axmed Madoobe oo War ka soo saaray dhameystirka doorashadii ka socotay Ceelwaaq

Madaxweynaha Jubbaland ahmed Madoobe ayaa sheegay in Caawa lasoo afjaray doorashadda Jubaland lana dhameestiray Kuraastii Ay jubbaland u wareejisay Ceelwaaq.

Ahmed madoobe ayaa qoraal usoo saaray ku yiri “Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay doorashada 16ka kursi ee deegaan doorashada labaad ee Jubaland marar badan waxaan sheegnay in ay kuraas taas ayna ka hari doonin doorashooyinka guud ee dalka, Alle mahadii si Nabad ah oo Wanaagsan dadka deegaankuna ku qanacsan yihiin ayaa looso doortay 16ka Xildhibaan oo ku biiri doona xildhibaanada kale ee gardaadinaya geedi socodka doorashada dalkeena”

Axmed Madoobe ayaa u mahad celiyey dhamaan guddiyadii ka shaqeeyey doorashada iyo cid ka qeyb qaadashada.

“Waxaan u mahad celinayaa guddiyada doorashooyinka oo runtii xil gudasho iyo ka go’naansho muujiyay isla markana si wanaagsan u gutay waajibaadkii saara, sidoo kale waxaan u mahad celinayaa dhamaan ergooyinka iyo bulshada deegaanka ee dadkii matali lahaa soo doortay iyo Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ee Sida hagar la’aanta ah maalmaha badan qoraxda iyo dhaxanta u taagnaa sidii shaqadan ay u qabsoomi lahayd” ayuu yiri Axmed Madoobe.

- Advertisement -