Allbanaadir.com
NEWS

Qalab loogu talogalay doorashada Aqalka sare oo lagu wareejiyay Jubbaland (Sawirro)

Gudddiga maamulka doorasha heer dowlad goboleed SEIT Jubaland ayaa maanta xafiiska UNSOM ee Kismaayo kala wareegay qalabkii lagu qaban lahaa dooraashada Aqalka Sare.

Qalabkan lagu wareejiyay guddiga doorashada heer dowlad goboleed Jubbaland ayaa loo adeegsan doonaa qabashada doorashada Xildhibaanada aqalka sare ee Kismaayo ka dhacaysa.

Guddiga dooraahada heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa sheegay in doorashada xubnaha aqalka sare ku qabanayaan waqtigii loo qorsheeyay oo aheyd 25ka bishan.

Dowlad goboleedyada dalka kuyaala ayaa dhawaan la filayaa in ay ka bilowdaan doorashada xubnaha aqalka sare inkastoo shaki la galinayo in doorashada ku dhacdo waqtigii loo qorsheeyay.

Related posts

Diyaarad ku bur burtay dalka Kenya iyo Muwaadiniin Mareykan ah oo ku dhintay

Cabdi Cade

Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar ay ku farxeen shacabka Gaza

Cabdi Cade

Rasaas wali ka dhax socota Hotelka Dusit iyo ciidamada Kenya oo galay dhismaha Hotelka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---