Qarax lagu soo xiiray Gaari Cabdi Bille ah oo ka dhax dhacay gudaha Saldhig Booliis

Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay qarax miino oo jugtiisa si weyn looga maqlay xaafado katirsan Baledweyne uu ka dhax dhacay gudaha saldhiga booliiska ku leeyihiin xaafada Howlwadaag.

Qaraxa ayaa la sheegay in lagu xiray gaari Cabdi Bille ah oo booliiska lahaayeen gaar ahaan uu adeegsan jiray taliyaha booliiska saldhiga qeybta Galbeed magaalada Baladweyne , waxaana qaraxa uu dhacay xilli gaariga uu yaalay gudaha saldhiga.

Inta la xaqiijiyay labo askari oo katirsan ciidanka booliiska ka howlgala saldhiga xaafada Howlwadaag ayaa qaraxa ku dhaawacmay, waxaa sidoo kale qaraxa uu burbur xooggan gaarsiiyay gaariga Cabdi billaha ah.

Ciidamada booliiska ayaa qaraxa kaddib sameeyay baaritaano aan la ogeyn natiijada kasoo baxday, waxaana dad badan isweediinayaan sida ay ku fududaatay in gaari ciidan uu hadana isticmaalo sargaal sida sahlan ee qaraxa loogu xiray.

Qaraxyada gaadiidka hoosta looga dhajiyo ayaa inta badan lagu xiri jiray gaadiidka caadiga ah ee waddooyinka iyo meelaha qaar looga tago, waana mid dhagaha dadka ku cusub in gaari ciidan oo xilli kasta ciidan la socdaan in qarax lagu xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -