Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo Baydhabo ku laabtay iyo Xog ku aadan kulankii isaga iyo Deni

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar shaqo ugu Maqnaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Dowladda Puntland ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Laftafareen oo Khamiistii gaaray Garoowe ayaa xalay kulan la yeeshay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo si weyn loo xaddiday xogtiisa ayaa sida wararka xaqiijinayaan looga hadlay midaynta mowqifka Puntland iyo Koonfur Galbeed ee Arrimaha siyaasadda heer Federaal.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa isna loo diray marti-qaad waxaana la sugaya in uu Todobaadkan Yimaado Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Jilaaga caanka ah ee Salman Khan oo lagu xukumay shan sano oo xabsi ah (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaanada Koonfur Galbeed oon ku farxin Tanaasulkii Shariif Xasan iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Halkan ka Akhriso : Bayaan Culimada Soomaaliyeed kasoo saareen Khilaafka Siyaasadeed

admin
Taboola Ads ---