Madaxweyne Biden oo Ukraine u fasaxay hub qiimihiisu gaarayo boqolaal Milyan oo Dollar

Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in uu fasaxay 800 oo milyan oo doolar oo kale oo gargaar milatari ah oo loogu talagalay Ukraine, oo ay ku jiraan madaafiicda culus, rasaas iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Canada ayaa Jimcihii sheegtay inay hub culus siisay Ukraine. Akhri wax dheeraad ah

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa isna ka digay in duulaanka Ruushku ku hayo dalkiisa uu yahay bilow, isla markaana Moscow ay leedahay naqshado ay ku qabsanayso dalal kale, ka dib markii Jeneraal Ruush ah uu sheegay inay doonayaan inay si buuxda gacanta ugu dhigaan koonfurta Ukraine.

“Dhammaan quruumaha sidayada oo kale aaminsan guusha nolosha ee dhimashada waa inay nala dagaalamaan. Waa inay na caawiyaan,” ayuu yiri Zelenskiy

Rustam Minnekayev, oo ah taliye ku xigeenka saldhiga dhexe ee militariga Ruushka, ayaa wakaaladaha wararka ee Ruushka ka soo xigatay in ay si buuxda u maamulayaan koonfurta

Bayaanka ayaa ahaa mid ka mid ah kuwa ugu faahfaahsan ee ku saabsan hamiga Moscow ee Ukraine wuxuuna soo jeedinayaa in Ruushku uusan qorsheyneynin inuu soo afjaro weerarka uu halkaas ku hayo waqti dhow.

Wasaaradda difaaca ee Ukraine ayaa sheegtay in hadalka Minnekayev uu muujinayo in Ruushku aanu qarinayn waxa uu damacsan yahay.

Weerarada rogaal celiska ah ee ciidamada Ukraine ayaa wali sii wada in ay carqaladeeyaan dadaalada Moscow, dagaalka culus ayaa niyad jab ku ah isku dayga Ruushku ku doonayo in uu ku qabsado magaalada dekeda ah ee muhiimka ah, taas oo caqabad ku ah horumarkooda Donbas sida lagu daabacay barta twitterka ee Wasaaradda Difaaca

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ka gaabsaday in uu ka hadlo in Ruushku uu ballaariyay yoolkiisa iyo sida uu Moscow u arkay mustaqbalka siyaasadeed ee koonfurta Ukraine.

Iyadoo xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu Washington kula kulmay ra’iisul wasaaraha Ukraine Denys Shmyhal, Zelenskiy waxa uu sheegay in xulafadiisa ay ugu dambeyntii geeyeen hubkii Kyiv uu dalbaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -