Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax dhigay Garoonka Diyaaradaha Ceel-Waaq (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in ay diyaar yihiin dhismaha golaha deegaanka Degmooyinka gobolka Gedo isla markana lagu bilaabi doono Degmada ceelwaaq iyadoo ay daba socdaan mashaariicda iyo hormarinta adeegyada bulshada ee guud ahaan Gobolka.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray inay diyaar tahay Lacagta dhismaha garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq isla markana dhawaan la xayaysiin doono qandaraaska dhismaha garoonka.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Lataliye Sare u Magacaabay Wariye Caan ah (Wareegto)

Cabdi Cade

Cali Guudlaawe oo dalabyo culus hordhigay danjire Kate Foster

Caydiid Ali

Musharax Baarlaman iyo dad kale oo lagu laayey qarax ka dhacay Peshawar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---