Cali Guudlaawe oo dalabyo culus hordhigay danjire Kate Foster

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa galabta kulan la qaatay Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlayay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha gole yaasha deegaanka.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay baaxada dhibaatada ka dhalatay fatahaadaha wabiga shabeelle isagoo ugu baaqay in loo gurmado dadkii ka barakacay fatahaadihii ka dhacday Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Dowladda Ingiriiska ka dalbaday taageerada tababarada ciidamada booliiska iyo Daraawiishta si ay ugu filnaadaan amniga guud ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

“Waxaan galabta kulan la qaaatay Ambassador Kate Foster oo ah Safiirka Dowlada UK ee Soomaaliya, Waxaan ka wadahadalnay Arrimaha Doorashooyinka ilaalinta qoondada haweenka Amniga Bini’aadanimada iyo dhismaha goleyaasha degaanka, Si gaar ah waxan uga hadalnay dhibaatada uu gaystay fatahaada wabiga shabeelle oo ay ku barakaceen qoysas badan oo danyar ahaa iyo sida aan isaga kaashan karno xal u helida Arrimaha Fatahaadaha ee nagu soo noq noqday” ayuu yiri Cali Guudlaawe oo qoraal kooban soo dhigay.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster ayaa Cali Guudlaawe ku amaantay dedaalka isaga iyo madaxda kale ee dalka ay ugu jiraan qabashada doorashada dalka, waxayna balan-qaaday in dowladeeda ay gacan ka geysan doonto wax ka qabashada saameynta ka dhalatay fatahaada webiga Shabelle iyo arrimana bani aadamnimo ee ka jira dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -