Wasiirka Batroolka & Macdanta Soomaaliya oo looga yeeray xafiiska Xeer-ilaalinta

Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Batroolka & Macdanta Cabdirashiid Maxamed Axmed si wax looga weydiiyo Heshiiskii dhexmaray, Wasaaradda Batroolka & Macdanta ee DFS iyo Shirkadda Coastline Exploration Limited.

Warqad kasoo baxday xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa lagu faray  wasiirka Batroolka in maalinta isniinta oo taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishan in uu ku horyimaado xafiiska xeer-ilaalinta si wax looga weediiyo heshiiska uu saxiixay.

Madaxweyne Farmaajo  iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa horey u cadeeyay in aysan waxba ka ogeyn heshiiska uu saxiixay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta , waxaana wasiirka dhankiisa sheegay in Madaxweyne Farmaajo la ogaa heshiiskaasi amarkiisana ku saxiixay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -