Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Laftagareen oo 3 qodob oo Muhiim ah kala hadlay danjire Kate Foster (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Lafta-gareen ayaa la kulmay Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa ugu horeen soo dhaweeyey Safiiradda Wuxuuna kala hadlay sidii loo laba jibaari lahaa Shaqooyinka ay ka haayaan Deegaanadda Koonfur Galbeed iyo sidoo kale xaalada guud ee Soomaaliya ee xiligan ka jirtaa sida Doorashooyinka, Amniga iyo Hormarka Guud ee Deegaanadda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Safiirka cusub ee Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Marwo Kate Foster ayaa sheegtay in Koonfur Galbeed ay sii laba jibaaraayaan taageeradda ay ka siiso dhinaca Ciidamadda.

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda kulamo gaar gaar ah oo ay ay leeyihiin madaxda dowlad goboleedyada iyo wakiilada beesha caalamka, kuwaasoo looga hadlayo xalinta khilaafka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo Soomaaliyeed oo dil u geesatay Wiil ay dhashay iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Facebook oo meesha ka saareysa hannaankeeda hubinta waxyaabaha lasoo dhigo

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo qaabilay Martin Griffiths & xubno la socday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---