Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso: Xog ku saabsan Sababaha xilka looga qaaday Wasiirkii awqaafta & arrimaha diinta

Digreeto ka soo baxday xafiiska Ra’isal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xilka looga qaaday Wasiirkii Awqaafta iyo Arrimaha diinta xukuumada Soomaaliya Xildhibaan Xasan Macallim Xuseen.

Waxaa xilkaasi si KMG ah loogu dhiibay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya C/xakiim Xasan Ibraahim Ashkir.

Laguma sheegin wareegtada sababaha xilka looga qaaday wasiirka balse warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow xafiiska raisul wasaaraha ayaa sheegaya in xil ka qaadista Wasiirka ay salka ku heyso is qab qabsi xooggan oo ka taagan arrimaha Xajka, kaasoo u dhaxeeya shirkaddo diyaaradeed oo horay u heystay arrimaha xajka iyo shirkado cusub oo doonaya in qeyb laga siiyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in wasiirka lagu tuhmay inuu la saftay shirkado horey u heystay howlaha dhoofka xajka oo diidanaa iney qiimaha xajka ee qaaliga ah hoos u dhigaan.

Wasaarada iyo shirkadahan ayaa dhowaan soo saaray qiimaha xajka sanadkan oo laga dhigay $3,300 iyadoo qiimihii sanadkii hore uu ahaa $3,800.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirku uu ka hor yimid qorshe dowlada Somalia ku dooneysay in lagu raqiisiyo qiimaha xajka, iyo in shirkadaha adeega xajka qabta la badiyo si loogu tartamo.

Lama oga saameynta arintan ku yeelan karto arrimaha xajka sanadkan oo diyaar garowgiisa uu socdo, waxaana isqabqabsiga ka taagan qiimaha xajka uu mudooyinkan ahaa mid aad loo hadal hayey, iyadoo dadku ay cabasho xoogan ka qabeen lacagaha ay ka qaadaan shirkadaha xajka oo aad u badan marka loo eego dalalka kale ee caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka oo gebi ahaan ciidamadiisa kala baxay gudaha Soomaaliya

Caydiid Ali

Madaxweyne Qoor-qoor oo si diiran loogu soo dhoweeyey Cadaado (Sawirro)

Caydiid Ali

Dadka u dhimanaya iyo kuwa uu ku dhacayo Covid-19 gudaha Somalia oo sii kordhay

Cabdi Cade