Saraakiil Itoobiyaan ah oo Qado Sharaf u sameeyay Madaxweyne Waare (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Xerada Ciidamada AMISOM gaar ahaan Tan Itoobiya kaga qeyb galay munaasabad Qada Sharaf ah oo ay saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay u sameeyeen Madaxweynaha, xubnaha Labada Gole ee Hirshabelle iyo mas’uuliyiinta Heer Gobol iyo Heer Degmo, waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa qadada Ugaas Xasan Ugaaas Khaliif qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka iyo Saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida qeybihiisa Kale duwan.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo munaasabadda ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta Muhiimada ay u leedahay Hirshabelle in la isku furo wadooyinka  kala xiran ee go’doonka ugu jira cadowga Argagaxisada Al Shabaab.
Madaxweynaha oo Sii hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inta Soomaaliya amaankiisu uusan hagaagsaneyn in Geeska Africa aysan nabad noqoneyn taa bedelkeedana Ay tahay Soomaaliya oo hagaagta in guud ahaan Gobolka uu hagaagay.
Maxamed Cabdi Waare Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle ayaa kaga mahadceliyay Wadamada qeybta ka ah Ciidamada AMISOM ee naftooda noo huray in Amni aan ku naaloono, si gaar ah ciidamada ka howlgala Hirshabelle, isagoo ku ammaanay doorkooda lama ilaabaanka ah, waxaana Madaxweynuhu  carabka ku dhuftay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u bilaabayaan Holwgalo la isugu furo wadooyinka Kala xiran ee go’doonka ku jira.
Ugu dambeynta Madaxweynaha ayaa Shahaado Sharaf ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ugu talo galeen guddoonsiiyay Xubnaha Maamulka shahaado sharaf ay ku muujinayaan Wadashaqeynta maamulka iyo AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

 

- Advertisement -