Wasiirkii labaad oo 24 saac gudahood iska casilay dowlada Britain & Xiisad siyaasadeed oo taagan

Xogahayaha arrimaha dibadda dalka Ingiriiska Boris Johnson ayaa xilka iska casilay iyadoo ismar-waa siyaasadeed ay ka horseedday dalkaasi istraatiijiyadda ka bixitaanka Midowga Yurub.

Waa wasiirkii labaad oo xil sare ka hayay Ingiriiska oo iscasilay saacado uun kaddib markii uu isna iscasilay David Davis oo ahaa xoghayihii uu qaabilsanaa arrimaha ka bixidda Midowga Yurub.

Mr Davis ayaa xilkaan loo magacabay sanaddii 2016, waxa uuna u xilsaarnaa wadahadalada ka bixitaanka midowga Yurub ee UK. Waxaana la sheegaya in arrintan ay dhabar jab weyn ku tahay ra’isalwasaare Theresa May, sidoo kale waxaa is casilay Steven Baker oo ahaa ku xigeenka Mr Davis.

Iscasilaadda Boris Johnson ayaa imaanaysa xilli daqiiqo kaddib la filayo Ra’iisul wasaaraha UK inay khudbad ka jeediso baarlamaanka oo ku aadan qorshaha cusub ee ka bixitaanka Midowga Yurub.

Wasiirada iscasilay ayaa sheegay ineysan ku qanacsanayn qaabka ay dowladda u wajeheyso ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -