Dowladii labaad ee ka tirsan Yurub oo qorsheyneysa iney qaxootiga geyso Rwanda

Denmark ayaa xaqiijisay inay wadahadal kula jirto Rwanda si dalkaas ay ugu dirto dadka magangalyo doonka ah, ka dib markii tallaabo taas la mid ah ay dowladda UK toddobaadkii hore qaadday.

dowlada Denmark oo tobankii sano ee ugu danbeeyay soo bandhigtay siyaasado qalafsan oo ku aaddan soogalootiga, ayaa sannadkii hore soo saartay sharci ogolaanaya in qaxootiga imaanaya dhulka deenishka loo raro xarumaha magangalyada ee waddan ay iskaashi leeyiiin.

Talaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyey dadka u dooda xuquuqda aadanaha, Qaramada Midoobay iyo guddiga Yurub. Danmark ayaa ku guul dareysatay in waqitgaas ay hesho waddan ay la wadaagto.

Komishanka EU-da ayaa sheegay in qaxootiga loo raro meel ka baxsan Yurub “aanay suurtogal ahayn” marka loo eego xeerarka EU-da ee hadda jira.

Wadamada Midowga Yurub ayaa hore uga wada hadlay samaynta xarumo dibeda oo lagu qaabilo qaxootiga 2016-18 ka dib markii ay kordheen imaatinka Mediterranean-ka, laakiin arrimaha sharciga, bani’aadanimada, siyaasada, amniga iyo dhaqaalaha ayaa meesha ka saaray soo jeedintii waagaas.

Danmark weli wax heshiis ah lama gelin Rwanda, ayuu yidhi Tesfaye, laakiin afhayeennada socdaalka ee baarlamaanka ayaa looga yeedhay shir arrintan ku saabsan Khamiista toddobaadka soo socda. Dawladdu waxay u baahan tahay taageerada baarlamaanka si heshiis suurtagal ah ula gasho Rwanda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -