Khilaaf adag oo soo kala dhex galay Maamulka Jubbaland iyo Shirkadaha dayuuradaha

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dhammaan shirkadaha dayuuradaha ee tegi jiray magaalada Kismaayo aysan berito tegi doonin halkaas, iyagoo sameynaya shaqo joojin

Arintan, ayaa salka ku haysa dood ka dhextaagan Wasiirka duulista Jubbaland iyo ganacsatada diyaaradaha oo salka ku haysa jaan-goynta qiimaha lagu raaco dayuuradaha.

Shirkadaha dayuuradaha ayaa dhowaan kordhiyey qiimaha lagu raaco dayuuradaha u kala goosha Muqdisho iyo Kismaayo waxaana arrintaas cabasho xoogan ka keenay dadka dhoofayaasha ah.

Maamulka Jubbaland ayaa ka carooday talaabada ay qaadeen shirkadaha dayuuradaha iyagoo ka dalbaday iney sharaxaad ka bixiyaan sababaha keenay qiimo kororka ku kooban Kismaayo oo kaliya.

Wararka ayaa sheegaya in kulamo ay yeesheen labada dhinac la isku fahmi waayey, loona balamay kulamo kale la iskugu yimaado si wax looga qabto ismari waaga taagan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -