Dowlada Marooko ayaa joojisey xoolihii la gawracayay sanad walba marka la soo gaaro maalmaha ciidul adxaa oo maalmo kooban ay naga xigaan.
Boqorka Marooko ayaa muwaadiniinta dalkiisa ugu baaqay ineysan sanadkan gudan cibaadada xoolihii la gawracayay ciidul adxaa
Sababta ayuu boqorku ku sheegay xoolo yari ay sababtey abaaro sanadadii ugu danbeeyay dalkaasi ka taagnaa, waxayna dowladaasi sheegtay iney badbaadineyso xoolaha nool ee haray si aysan u dabar go’in.
Boqorka Marooko ayaa shacabkiisa u balanqaaday inuu isagu u gudan doono cibaadadaasi, wuxuuna ku tilmaamay talaabadan mid lagu ilaalinayo danta dadka danyarta ah ee culeyskan ka bixi karin.