Saddexda Musharax ee ugu cadcad gudoonka Golaha shacabka iyo ku-xigeenadiisa

Waxaa si habsami leh uga socda magaalada Muqdisho diiwaan gelinta iyo shahaado siinta musharaxiinta u taagan doorashada gudoonka sare ee Golaha shacabka Baarlamanka Somalia.

Doorashadan oo ah mid muhiim ah oo saameyn ballaaran ku leh geeddi socodka jiheynta siyaasada Somalia ayaa waxaa isku soo taagay Musharaxiin kala duwan oo iskugu jira kuwo horey u soo qabtay xilkan iyo qaar ku cusub arrimaha siyaasadda dalka.

Doorashada guddoonka labada aqal ee baarlamanka Somalia ayaa la iclaamiyey in lagu qabto magaalada Muqdisho 26-27ka bishan Abriil oo todobaad ay naga xigto.

Marka la eego sida ay hadda wax u socdaan waxaa illaa hadda ugu cad cad doorashada guddoonka Golaha shacabka iyo labadiisa ku-xigeen illaa 3 musharax oo kala ah

1-Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla oo u taagan xilka gudoomiyaha Golaha shacabka Somalia.

1-Xildhibaan Maxamed Cumar Caananuug oo u taagan xilka Gudoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka

3-Xildhibaan Maxamed Xusseen Abukar oo isna u sharaxan xilka Gudoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha shacabka.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in saddexdan musharax ay yihiin kuwa ugu rajada wanaagsan marka la eego kartidooda iyo ololahooda doorasho inkastoo wax kasta ay isbedeli karaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

 

- Advertisement -