Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaadhay Magaalada Moscow ee dalka Ruushka.
Booqashada Cabdi Xaashi iyo wafdigiisa ayaa ka dambeysay casuumad rasmi ah oo uu k helay dhigiisa Guddoomiyaha Golaha Federaalka ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Ruushka.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa, Inta ay ku sugan yihiin Magaalada Moscow ee dalka Ruushka waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaa masuuliyiinta sare ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo xukuumadda Ruuska, iyagoo sidoo kale booqan doona goobo badan oo taariikhi ah.
Ruushka ayaa mudooyinkan waday qorsheyaal uu ku xoojinayo dalal afrikaan ah oo ay ku jirto Somalia, si uu saameyn ugu yeesho Geeska Afrika, Dhowaan ayeyna aheyd markii uu dalka soo gaaray Wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda ee Ruushka oo casuumad ka timid Putin soo gaarsiiyey madaxweyne Xasan Shiikh taasoo la xiriirtay ka qeyb galka shir caalami ah oo dabayaaqada sanadkan ka dhacaya dalkaas.