Madaxweyne Laftagareen oo Muqdisho soo gaaray iyo Xog ku aadan ujeedka Socdaalkiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen iyo wafdi uu hogaaminayey ayaa Safar shaqo kuso gaaray Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho wafdiga Madaxweynaha waxaa kuso dhoweyey Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya,Wasiiro iyo qeybaha kala duwan Bulshada Caasimada.

Safarkan shaqo uu magaalada Muqdisho kusoo gaaray Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xilli isbuuca soo socda magaalada Muqdisho lagu dooran doono guddonka labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo saaxiib dhaw la ah Farmaajo kana shaqeenaya dib u doorashadiisa ayaa sidoo kale olole xooggan u gali doona musharashaxiinta ay Villa Soomaaliya u rabto qabashada guddoonka labada aqal.

Waxaa shalay sidaan oo kale Muqdisho u yimid Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe, waxaa sidoo kale saacadaha soo socda la filayaa in Muqdisho yimaado Madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -