Dowlada Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Digniin Cusub (Halkan ka Akhriso)

Dowladda Feraalka Soomaaliya, Waxa ay Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Hay’adaha Samafalka iyo Dowladaha Saaxiibada ah la wadaageysaa dhibaatooyinka isbeddellada cimillada, gaar ahaan fatahaadaha iyo duufaanno la saadaalinayo in ay ku soo wajahanyihiin Deegaanno kamid ah Soomaaliya.

Maadaama Roobabku weli ka da’ayaan Gobollada dalka, Dowladdu waxay ka digaysaa in fatahaado kale ay weli suurtogal yihiin, inkastoo meelaha qaarkood ay biyuhu hoos u dhaceen biyuhu ama qallaleen.

Dowladda Soomaaliya waxa ay Heegan buuxa galisay hay’adaha qaabilsan gurmarmadka iyo ka jawaabista xaaladaha dag dagga ah ee ka dhalan kara roobabka iyo dabeylaha lasaadaalinayo. Gobalka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sidoo kale u sii diyaargaroobay daadad ka dhasha roobab mahiigaan ah oo la filayo in uu ka da’o magaalada Muqdhisho, waxaana heegan la galiyay Saldhigyada Booliska 17-ka degmo ee Gobalka Banaadir, Gaadiidka Gurmadka dagdagga iyo howlwadeenadooda, waxaana dadweynaha lagu wargaliyay in marka ay xaalad Qatar ah la kulmaan si dhaqsi ah ula xiriiraan Number-ka Gaaban ee 991.

Sidoo kale, Dowladda Fedaraalka Soomaaliya waxa ay 24-kii saac ee lasoo dhaafay qiimaynaysay warar naga soo gaaray shabeellada Dhexe oo daadadku ay sii kordheen. In ka badan 25 tuulo oo hoos yimaada Balcad ayaan ogaanay inay daadad ku dhufteen.Daadadkan waxay ka imanayaan webiga oo biyihiisu sare usii kaceen. Waxaa kale oo dadka dhibaato ku haya  Al Shabaab oo si ula kac ah biyaha ugu fatahinaya dadka shacabka ah.

Qaar kamid ah Beeraleyda oo isku dayey inay biyaha ka leexiyaan beerahooda ayaa Al Shabaab dileen. Waxayna kooxda Al Shabaabku biyaha kasii daayeen biyo-baxadii Xawaadleey oo u dhow Degmada Balcad, ujeeddadooduna Waa inay go’doomiyaan shacabka iyo beeraha.

Waxaa ogaanay in inka badan 5,000 qoys ay daadadku saameeyeen agagaarka Balcad iyo tuulooyinka hoos yimaada. Tuulooyinka qaarkood sida Xawaadleey, Farbarako,Deymosame, Kulmisyaroow,Jiilaale iyo Muku Dheere Waxaa dhex ceegaaga biyaha iyadoo ay dad masaakiin ah ku dhibaataysanyihiin.

Waxan ugu baaqaynaa hay’adaha gargaarka iyo dadka Soomaalida ee wax haysta inay gacanta u fidiyaan, culimada iyo ganacsataduna ay is abaabulaan, gargaar deg deg ahan lala gaaro dadka deggan tuulooyinka faraha badan ee Balcad hoos yimaada.

Afhayeenka Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya
Mudane:- Ismail Mukhtar Omar

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -