Waa shaqsi caynkee ah Shariif Max’ed Cabdalla, Musharaxa Gudoomiyaha Golaha shacabka?

Taariikh Nololeedkiisa oo dhameystiran iyo khibradiisa shaqo ee Baarlamanka federaalka Jamhuuriyada Somalia :-Mudane Shariif Maxamed ayaa markii ugu horeysay soo galay Baarlamaanka sanadkii 2000, waxaana dib loo doortay 2012, 2016, iyo 2022. Waa xildhibaan ruug cadaa ah oo ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya sanadihii 2000 ilaa 2003 kadib heshiiskii Carte ee 2000. Mudadii uu xildhibaanka ahaa wuxuu si hagar la’aan ah uga mid noqday xubnaha guddiga arrimaha bulshada ee Baarlamaanka ee dhammaan golayaasha baarlamaanka mudadii uu xilka hayay.

Ka hor inta uusan gelin siyaasadda, Mudane Sharif wuxuu urursaday tobanaan sano oo waayo-aragnimo ah oo ku saabsan dowladnimada iyo arrimaha bini’aadantinimada ee Soomaaliya taasoo qayb ka ah dadaallada dib-u-dhiska qaranka.

Wuxuu u shaqeynayay dowladda hoose ee Muqdisho muddo ku dhow 17 sano 1973-kii ilaa 1990-kii isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay waxaa uu markii ugu horreysay ka noqday karaani sare oo gaaray heer agaasime oo ka tirsan Xafiiska Duqa magaalada. Waxa kale oo uu gacan ka geystay baahiyaha bini’aadantinimo ee dalka isagoo ahaa wakiilka dalka ee Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta, jagadaas oo uu soo shaqeeyay in ka badan labaatan sano. Wuxuu aasaasay ururo badan oo bulshada rayidka ah, wuxuuna xubin ka yahay hay’ado kala duwan oo Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin iskuullo iyo isbitaallo.

Wuxuu qayb lixaad leh ka qaatay hanaqaadka Waxbarashadii bilaabatay kaddib burburkii dalka. Waxaana hadda dalka jooga kumaan aqoonyahan oo uu qayb ka ahaa samaysankooda.

Dadka yaqaana Shariif Cabdalla waxay isku raaacsan yihiin inuu yahay qof leh damiir iyo shaqsiyad wanaagsan. Marna kama suurtagasho inuu meel ka dhac ku sameeyo dastuurka dalka iyo danta dalka.

Mudane Shariif Maxamed waxa uu ku soo kordhiyey khibradiisa durugsan ee hawlaha baarlamaanka, khibrad sharci. Waxa uu muujiyay hoggaaminta arrimaha khuseeya dimuqraadiyadda, maamulka, iyo maaraynta. Isagoo hadda ah musharax Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Shariif wuxuu xaqiijin doonaa haddii uu xilkaas ku guuleysto inuu si dhex-dhexaadnimo iyo kala dambeyn leh u difaaco xuquuqda  mudanayaasha kale oo ay ka mid tahay xuriyatul qawlka.

Waxa uu ku dadaali doonaa in dastuurka KMG ah ee Soomaaliya uu maro hannaanka dib u eegista, isagoo taageero ka helaya kuwa kale, dastuurka ayaa la dhameystiri doonaa inta uu xilka hayo. Mudane Shariif waxaa ka go’an ilaalinta xuquuqul insaanka iyo hubinta isku dhafka dhammaan dadka sida haweenka, dadka naafada ah iyo dhalinyarada. Isaga oo gudanaya waajibaadkiisa kormeerka, waxa uu hubin doonaa in laanta fulinta ee dawladda ay sidii loo baahnaa ugu adeegeyso bulshada.

Wuxuu faham fiican ka haystaa caqabadaha sharci, iyo siyaasadeed ee maanta horyaalla Golaha shacabka. Sidoo kale  wuxuu xoogga saari doonaa sidii sharafta iyo haybadda golaha shacabka loo ilaalin lahaa maadaama uu yahay unagga koowaad ee matala dowladnimada iyo shacabka Soomaaliyeed.

Isku haynta xooggagga kala duwan ee golaha shacabka iyo ilaalinta xasiloonida Golaha shacabka ayaa sidoo kale u ah arrimaha leh hortabinta.  Intaas waxaa dheer, horumarinta aqoonta iyo khibrada xubnaha golaha shacabka ayagoo loo samaynayo tababbaro ku saasbsan ballaarinta waaya aragnimadood (capacity building programs)

Shariif Cabddalla wuxuu si qoto dheer u aamminsan yahay sarreynta sharciga, ixtiraamka xuquuqada dastuuriga ah ee muwaadiniinta, saxaafadda, iyo bulshada rayidka ah.

Mudane Shariif wuxuu ku dhashay magaalada Baydhabo 8-dii November 1954-tii. Waxa uu ka qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaana uu tababaro badan oo dibadda ah ku soo qaatay dalalka Germany, Sweden, Netherlands, Turkey iyo Morocco. Waa nin ku hadla luqado badan oo ay ka mid yihiin Soomaali, English iyo Carabi. Waxaa lagu soo bandhigay fagaarayaasha caalamka isagoo ka qeyb galay shirar caalami ah oo kala duwan oo lagu qabtay Pakistan, Romania, Masar, Kuwait, Turkey, Italy, Morocco, Iraq iyo UAE.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -