Al-Shabaab oo goor dhow la wareegtay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa goor dhow la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Ciidankii ku sugnaa ee ka tirsanaa kuwa dowlada Somalia ayaa isaga baxay degmadaas wax yar ka hor inta aysan halkaas Al-shabaab ka dib markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan

Dadka degaanka ayaa sheegay in gudaha magaalada ay ku sugan yihiin xubnaha Shabaabka ah gaar ahaan xarunta maamulka, saldhiga Booliska iyo Kontrolada degmadaas laga galo lagana baxo.

Ma ahan markii ugu horeysay Kooxda Al-Shabaab ay gudaha u galaan degmadaas  marar badan ayeyna sidan oo kale waxay gudaha ugu soo galeen Matabaan oo ay qaraxyo ku burburiyeen Saldhiga Booliiska Degmada Matabaan iyagoo ka dibna iskood uga baxayey.

 

- Advertisement -