Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Ra’isul Wasaare Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Paris

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay qayb ka yihiin wasiirrada amniga iyo waxbarashada ayaa gaaray magaalada Paris oo ay uga qayb gelayaan shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris oo maanta furmaya

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa inta uu socdo shirka madasha oo looga hadlaya xal u helidda dhibaatooyinka ka jira daafaha caalamka, waxuu kulamo gaar ah la qaadanayaa qaar kamid ah madaxda kala duwan ee kasoo qayb geleysa kulanka.

Marka uu soo dhammaado shirka oo socconaya muda sedax maalin ah, ayaa Ra’iisul Wasaare Khayre waxuu u safrayaa magaalada Brussels ee xarunta midawga Yurub si uu kulamo ula qaato hoggaanka cusub ee midawga Yurub.

Related posts

DANJIRE YOONIS “Markii la doortay Madaxweyne Xassan Sheekh Yurub waxay muujisay..

admin

Qaar ka mid ah xarumaha sarifka Online ee Muqdisho oo sababo amni loo xiray

admin

Prof. Saciid Ciise: “Madaxda dowlad goboleedyadu dan kama leh midnimada dalka”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---