Xildhibaan goordhaw lagu doortay magaalada Kismaayo (Daawo Sawiradda)

Waxaa goordhaw magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland ka dhacday doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP079 oo ay ku tartamayeen labo musharax oo guddiga doorashada u diiwaangaliyeen in ay tartamaan.

Kursigan oo doorashadiisa aheyd mid xiran ayaa waxaa ku guuleestay musharaxii lala doonayay Xildhibaan Xassan Budul Cali , kaddib markii doorashada kursigan uu ka tanaasulay musharax Cilmi Barre Cabdi.

Doorashada kursigan ayaa marar badan horey dib u dhac ugu yimid, waxa uuna kursigan ahaa kii ugu dambeeyay oo deegaan doorashadiisu ahaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbaland.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa la filayaa in dhawwaan magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo ku qabtaan dooarshada 16-ka kursi oo deegaan deerashadooda horey u aheyd Garbahaarey balse loo bedelay Ceel-Waaq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -