Allbanaadir.com
NEWS

DFS oo lagu wargaliyay ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay iyo ujeedkooda

Waxaa shalay xadka Soomaaliya iyo Itoobiya wadaagaan , gaar ahaan dhinaca gobolka Hiiraan kasoo gudbay kumanaan askari oo Itoobiyaan ah, kuwaa oo watay gaadiidka dagaalka iyo sidoo kale gaadiidka ciidamada lagu daabulo.

Ciidamada Itoobiyaanka ee kasoo gudbay xadka Itoobiya ayaana abuuray hadal heyn kala duwan, waxaana warar hadda soo baxaya sheegayaan in ciidankan gudaha Soomaaliya kusoo galeen oggolaansho ayna doonayaan in ay galbiyaan ciidamo Itoobiyaan ah oo horey u joogay degmada Maxaas.

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay in xiriir lasoo sameysay dowladda Soomaaliya iyo taliska ciidamada ATMIS, si ay ula socodsiiyaan ciidankan cusub ee xadka kasoo gudbay, kuwaa oo galbinaya ciidamo gaaraya 500-askari oo Itoobiyaan ah oo saldhig ku lahaa degmada Maxaas ee gobolka HIiraan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Itoobiya ayaana codsi la xariira in ciidankooda soo galaan Soomaaliya ayna galbiyaan ciidamo horey uga joogay Hiiraan lasoo wadaagtay dowladda Soomaaliya, oo dhankeeda la sheegay in ay u oggolaatay in ciidamada Itoobiya galbiyaan ciidanka ka jooga Maxaas.

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaana muddooyinkii dambe waxaa u dhaxeeyay khilaaf sababay in xiriirka labada dal meeshii ugu xumeyd gaaro, waxaana khilaafkaasi sabab u ahaa heshiiskii ay gaareen Ra’isul Wasaare Abiy Axmed iyo Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxamed Sheekh Maxamuud (Dhoobeey) oo loo magacaabay Gudoomiye Degmo

Cabdi Cade

Aqalka Senateka Maraykanka oo Trump ka difaacay dacwadii lagu soo oogay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Qoor-qoor oo shacabka Gaalkacyo kala qeyb qaatay Ciida Carafo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---