Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa xarunta tababarka ciidanka ee Generaal Kaahiye ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq Cabdul Amiir Al-Shammari oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka.
Cutubyo katirsan ciidanka booliiska, ayaa Wasiirka iyo masuuliyiinta kale ee la socday salaan sharaf siiyey, waxaana munaasibad lagu qabtay gudaha xarunta lagu soo bandhigay taariikhda xiriirka soo jireenka ee labada dal, iyadoona la gudoonsiiyey wefdiga Ciraaq hadiyado kala duwan oo isugu jira bilad sharaf iyo alaabaha hidaha iyo dhaqanka Soomaalida.
Imaanshaha dalka ee wegdiga uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha gudaha Ciraaq, ayaa xoojinaya xiriirka labada dal, waxaana si gaar ah kor loogu qaadayaa wada shaqeynta dhinacyada amniga , socdaalka, waxbarashada iyo tababar siinta laamaha ammaanka ee Dalka.
Xafiiska Shabakadda Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com