DEG DEG: Dagaal hub culus la isku adeegsanayo oo caawa ka socda degmada Afgooye

Dagaal ayaa la soo sheegayaa in caawa abaare 2:00 saqdii dhexe ee habeenimo ka bilowday degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Weli lama xaqijin karo cida dagaalameysa maadaama ay tahay xili habeenimo ah balsegoob joogayaal ayaa sheegaya inuu u dhexeeyo ciidamada dowlada iyo xoogag taabacsan Al-shabaab oo weerar ku soo qaaday fariisimaha ciidanka DF.

Dadka degaanka oo qaarkood hurdada ka soo salalay ayaa sheegaya iney maqlayaan rasaas iyo daryanka hub culus oo la isweydaarsanayo kuwaasoo cabsi badan ku abuuray.

Ma jiro illaa hadda cid ka hadashay dagaalkan oo la sheegay inuu yahay kii ugu qaraaraa ee mudooyinkan ka dhaca degmadaas.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, wixiii faahfaahin dheeraad ah kala soco wararkeena dambe insha allah

- Advertisement -