Madaxweyna Farmaajo oo Roma kula kulmay dhigiisa dalka Talyaaniga (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga ayaa Qasriga Quirinale ee magaalada Rome wada hadallo kula yeeshay Madaxweynaha Talyaaniga Mudane Sergio Mattarella.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal iyo sidii dowlada Talyaanigu gacan uga geysan laheyd xoojinta amniga iyo dhaqaalaha Somalia.

Farmaajo ayaa si maamuus leh loogu soo dhoweeyey qasriga Quirinale ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada dowlada talyaaniga, waxaana halkaas laga garaacay muusukada astaanta u ah calanka labada dal.

Madaxweynaha Somalia ayaa booqasho rasmi ah oo saddex cisho qaadaneysa ku jooga Roma ka dib casuumad uu ka helay dowlada Talyaaniga isagoo shalay kulan la qaatay Raā€™iisul Wasaaraha Talyaaniga Giuseppe Conte.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -