Ku-simaha Madaxweynaha Galmudug oo amar deg deg ah siiyey laamaha amniga (Sawirro)

Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku xigeenka Dowlada Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa shir gudoomiyay shirka amniga oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada Galmudug.

Shirka amniga waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka arimaha gudaha saraakiisha hogaamisa qeybaha kala duwan ee ciidamada sida booliska, nabad sugida, Gorgor, ciidanka Haramcad iyo AMISOM.

Shirka waxaa looga hadlay guud ahaan amniga Galmudug gaar ahaan amniga caasimada, sidoo kale Saraakisha waxaa la faray awaamir ku saabsan sugida amniga Galmudug gaar ahaan ka falcelinta dhacdadii maanta ka dhacday Degaanka Xirsi Lugeey ee Duleedka Dagmada Balanbale.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa amar ku siiyey ciidamada amniga iney Talaabo ka qaadaan dadkii falkaas foosha xun geystay, soona qabtaan si sharciga lo horkeeno.

Rag ku lebisnaa dareyska ciidamada oo qaab beeleed u abaabulnaa ayaa galabta duleedka degmada Ballanballe ku laayey dad shacab ah oo uu ku jiro macallin wax ka dhigi jiray Dugsi qur’aan halkaas ku yaalla.

Falkan ayaa ka dhacay Tuulada Xersi Lugey oo u dhaxeysa Balanballe iyo Guriceel, waxaana dadkan ay wararku sheegayaan in dilkooda uu salka ku hayo aano qabiil oo la xiriirta dilkii saraakiisha milateriga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -