Maxay ka wadahadleen RW ku-xigeenka dalka & danjire Suldaan Siciid Axmed? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay ergeyga gaarka ah ee arrimaha Geeska Africa u qaabilshan Dawladda Finland ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Finland, Mudane Suldaan Siciid Axmed.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa wabixin ka dhageystay ergeyga kuna bogaadiyay dadaalka uu ka wado Geeska iyo dowrka Dowladda Finland ee garab istaagga dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhinacyada nabadaynta, dib u heshiisiinta iyo dhamaystirka dib u eegista dastuurka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga la wadaagay muhiimadda ay leedahay inay dowrkooda ka qaataan gurmadka abaaraha iyo taakulada dadka tabaalaysan.

Ergeyga ayaa dhankiisa ka mahad celiyay kulanka isagoo xusay in Dawladda Finland ay dhinaceeda dadaal ku bixin doonto qodobada la isla soo qaaday

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -