Xafiiska korontada ee Jigjiga oo haweenka ku amray in Sulwaal soo xirtaan iyo carro ka dhalatay

Warqad kasoo baxday xafiiska maamulka wakaaallada korontada magaalada Jigjiga ee dowlada deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu amray haweenka ka shaqeeya xaruntaasi in ay soo xirtaan sulwaal ayna joojiyaan xirashada dharka dhaqanka ah.

Ammarkan kasoo baxay wakaaallada korontada ee magaalada Jigjiga ayaa abuuray carro badan, waxaana kasoo horjeestay fulinta ammarkaasi qaar kamid ah haweenka ka shaqeeya, kuwaa oo tilmaamay in diiniyan iyo dhaqan ahaanba aysan xiraneyn sulwaal.

Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sidoo kale arrintan si adag uga hor yimid, waxa uuna maamulka sheegay in ay bilowdeen baaritaano lagu sameenayo cida soo saartay ammarkan lagana qaadanayo tallaabo adag oo ku haboon.

Wasiirka warfaafinta,Abdukadir Rashid, ayaa sheegay in warqada kasoo baxday wakaaallada korontada ee magaalada Jigjiga uu yahay mid gef ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka Soomaalida.

“Warqadaas kasoo baxday xafiiska korontada ee laanta jigjiga waa warqad gaf ku ah dhaqanka, diinta iyo xuquuqda dadka soomaalida ah ujeedo siyaasadeedna laga leeyahay!Maanta ma ahan xilligi la is huwanaan jiray ee waa xilli uu dalka oo dhan ka jiro isbedel loo simanyahay” ayuu yiri Wasiir Rashiid.

Maamulka dowlad deegaanka ayaana laga war sugayaa tallaabada ay ka qaadi doonaan dadkii ka dambeeyay ammarkan lagu soo rogay hablaha ka shaqeeya wakaaallada korontada ee magaalada Jigjiga .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -