Madaxweyne Cagjar oo ka hor yimid sida uu RW Abiy Ahmed uga hadlay dagaalkii 77

Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafa Muxumad Cumar (Cagjar) ayaa sheegay in dagaalkii sanadkii 1977-dii Somalia ku qaaday Itoobiya uu ahaa mid Gumeysiga looga xoreynayey dhulka Soomaalida.

“Dhamaan halgamadii shacabka Soomaali galbeed waxay ahaayeen halgamo gumaysi-diid oo xalaal ah. Dagaalkii 1977kii wuxuu ahaa uun marxalad ka tirsan halgamadaa lagu diidanaa gumaysiga. Waa inaan ka run sheegnaa taariikhdeena oo aan diidnaa in cid kale inoo macneyso taariikhdeena. Shuhadadii ku dhimatay difaaca dalkooda iyo dadkoodu waxay inaga mudan yihiin xus iyo maamuus joogta ah, iyagaana muddan Taalo in loo dhiso
Mustafe Cagjar oo qoraal kooban soo dhigay baraha bulshada ayaa sheegay in ciidamadii ka qeyb qaatay dagaalkaan ay ahaayeen kuwo gutay waajibkii ka saarnaa sidii ay dadkooda uga xoreyn lahaayeen gumeysiga.

“Waxay ka soo baxeen waajibaadkii ku aadanaa xilliyadii ay noolaayeen. Ilaahay ha u naxariisto dhamaantood. Taasi macnaheedu maahan shakhsi wuxuu afka ama xar-xariiq kuyiri inuu hirgalin karo” ayuu intaas ku daray Cagjar.

Hadalka Madaxweynaha degaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muuqda mid jawaab u ah hadal ka soo yeeray RW Itoobiya oo shacabka dalkiisa ugu hambalyeeyey guushii ciidamada Itoobiya ka gaareen dagaalkii 1977 la galeen ciidamada Somalia.

“Dagaalkii 1977-ka dhacay wuxuu ku soo beegmay xilli ay Itoobiya la daalaa dhaceysay kacaanka cusub ee dalkaasi ka dhashay, dalka gudahiisana ay ka jireen dagaallo sokeeye, dalalka shisheeye ee Itoobiya soo weeraray si la mid ah ayuu Siyaad Barrana u sameeyey khalad la mid ah Dowladdi Mangiste ee xilligaasi jirtay oo shacabka Itoobiya ugu baaqday iney dalkooda difaacdaan ayaa mudda gaaban guul ku soo hoyey oo cadawgi dalka Itoobiya soo weeraray ka guuleystay” ayuu yiri RW Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa mahad celin iyo hambalyo u diray ciidamadii dalalka Cuba & Yemen ee kuwa Itoobiya kala qeyb galay dagaalkii 77, kuwaasoo sababay buu yiri in la jebiyo ciidamada Soomaaliya.

“Waxaanna hambalyo, sharaf iyo maamusba halkan uga soo jeedinayaa ciidamadii Cuba iyo Yemen ee Itoobiya iyaga oo ka garab dagaalamaya naftooda qaaliga ah u huray difaaca Itoobiya. Geesiyadi Itoobiya oo naftooda u horay difaaca dalkoodana sida oo kale.” ayuu yiri Ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed oo hambalyo guusha Karamardha ku saabsan u diray shacabka dalkaasi Itoobiya.

Itoobiya ayaa maalinti shalay si weyn looga xusay guusha Karamardha oo ay sheegeen iney ahayd halkii ciidankii Soomaaliya lagu jabiyey 1977-kii ciidamada Itoobiyana ay guul ku gaareen.

Xuska Karamardha ayaan la xusin 27-ki sano ee ay jirtay dowladdi ay hoggaanka u hayeen TPLF, waxaa hadda xuskeeda dib loo billaabay sanadkan oo uu dalka Itoobiya Ra’isal wasaare ka yahay Dr Abiy Axmed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -