Taliye Xijaar oo u digay dhalinyaro muddooyinkan falal dhaqan xumo ah la soo baxay

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Booliska Somalia ay bilaabeen qorsho looga hortagayo dadka waxyaabaha dhaqan xumada ah sameeynaya.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya dawooyin maanka doorinaya.

Taliye Xijaar waxaa uu sheegay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka caawin doonaan qaar ka mid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia ayaa ku soo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kusoo bateen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, isla markaana isticmaalaya maandooriyeyaal kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -