Saacad uu lahaa basaaskii Israel ee ugu sumcadda badanaa ee lagu dila Suuriya oo la helay (Daawo Sawirro)

Saacad uu lahaa basaaskii Israel ee ugu sumcadda badanaa oo waa hore inta Suuriya lagu qabtay lagu deldelay ayaa sirdoonka Israel ee Mossad soo haleen.

Magaciisu wuxu ahaa Eli Cohen oo wuxu ahaa Yuhuudi Masri ah oo ay shaqaalaysiisay Mossad hortaantii lixdameeyadii oo ay u suurto gashay in uu dhex galo hogaanka sare ee xukuumaddii Suuriya.

Intii aan la qaban ka hor wuxu Israel u soo gudbin jiray sirta dawladda Suuriya, waxase markii la qabtay lagu deldelay fagaare ku yaal Dimishiq sannadkii 1965-kii. Suuriyana waxay diiday in ay sheegto halka lagu aasay maydkiisii.

In la helay saacaddaa Cohen waxa shaaciyey xafiiska ra’isal wasaaraha Israel. Hase yeeshee faahfaahinta goorta la helay iyo sida ay gacanta Israel u soo gashay lama sheegin. Waxase hadalka lagu koobay in lagu soo celiyey saacaddaa “hawl gal gaar ah oo Mossad” fulisay.

Agaasimaha Mossad, Yossi Cohen, ayaa sheegay in saacaddaa uu xidhnaa Cohen “maalintii la qabtay”.

“Saacaddu waxay qayb ka ahayd hummaaggii hawl gallada Eli Cohen iyo Carabnimadiisii been abuurka ahayd” ayuu yidhi.

Wuxu la baxay magaca been ah oo ahaa Kamaal Amiin Taabit oo wuxu iska dhigay ganacsade Suuriyaan ah, waxaana u suurto gashay Eli Cohen in uu socdaallo farabadan ku tago Suuriya bilowgii 1962 kii. Waxaanu la saaxiibay siyaasiyiin saamayn leh, ganacsato waaweyn iyo saraakiil milatari oo uu kalsooni weyn ka helay.

Hadal haynta sheekadiisu waxay gaadhay in dadka qaar yidhaahdaan ba waxa la doonayey in loo magacaabo wasiir ku xigeenka gaashaan dhigga Suuriya, wallow aan arintaa wax caddayn ah loo haynin.

Cohen waxa u suurto gashay inuu helo xogo sir ah oo uu Israel u gudbin jiray. Macluumaadkii uu ka bixiyey ciidamadii Suuriya ee saldhigoodu ahaa buuralayda Golan yaaa la sheegaa in ay qayb libaax ka qaateen sidii ay Israel u jabisay Suuriya sannadkii 1967 markii uu socday dagaalkii Bariga Dhexe.

Waxa markii dambe ogaaday saraakiil ka tirsan mukhaabaraadka Suuriya sannadkii 1964-kii, waa la jidh dilay ka dibna waxa dil ku xukuntay maxkamad milatari. Waxaana sannad ka dib lagu deleday Cohen fagaare ku yaal Dimishiq.

Israel ayaa si is daba joog ah u dalban jirtay in maydkiisa loo soo celiyo hase yeeshee Suuriya ayaa diiday.

Ra’isal wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, oo ka hadlay saacadda la soo helay ayaa waxa uu warbixin uu soo saaray ku yidhi “waxaan dagaalyahannada Mossad ku amaanayaa hawlgalkaa dhiirranida iyo geesinimada leh, ujeedada keliya ee laga lahaana ay ahayd in wax lagu xasuusto dagaalyahan weyn oo gacan weyn ku halaa nabadgelyada dalka loo soo celiyo Israel.”

Xaflad gaar ah oo la qabtay bishii May ayaa saacadda waxa lagu wareejiyey afadii uu tagay oo la yidhaa Naadiya.

“Markii la ii sheegay in la soo helay saacaddiisii afkuba wuu i qallalay oo jidhidhicaa i saaqday” ayey tidhi iyadoo la hadlaysay TV-ga Israel.

Waxaanay hadalkeedii ku soo gabogabaysay “isla markiiba waxaan dareemay in aan gacantiisii taabanayo, waxaan dareemay in badhkii nala joogo.”

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -