Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo caawa mar kale duqeeyey Buuraha Calmiskaat

Dayuurado dagaal aya caawa gantaalo culus ku garaacay xoogag taabacsan kooxda Daacish oo ku sugnaa qeybo ka mid ah Buuraha Calmiskaat ee gobolka Bari

Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa sheegay in duqeynta caawa ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan xeebaha Somalia

“Duqeyn caawa ka dhacday Miiraale-Calmiskaad, waxaa lala beegtay firxadka Argagixisada Daacish, duqeynta waxa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay howlgalka.

Sida wararku sheegayaan duqeymahan ayaa ka dhacay Toga Miraale, Taliska Miraale & Ceelka Miraale oo dhamaantood ka tirsan buuraha Calmiskaat

Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayey aagaga la duqeeyey ee ku teedsan Togga Miiraale, waxaana sidoo kale la arkayey hilaac iyo uuro ka baxaya goobaha la duqeeyey.

“Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland iyo saraakiisha Mareykanka midkoodna wax faahfaahin ah kama bixin sida ay duqeymahaas u dhaceen iyo khasaaraha ka dhashay.

 

Related posts

Midowga Musharaxiinta oo ugu baaqay Rooble in uu qaado Sadex talaabo oo ku aadan Dilka Ikraan Tahlil

Cabdi Cade

Madaxweyne Zuma oo xukun xabsi ah lagu riday ka dib dacwad muddo dheer socotay

Caydiid Ali

Masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---