Laftagareen oo ereyo kulul ku weeraray Raisul wasaare Rooble (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ka furay Shirka Wadatashiga  Arimaha Doorashooyinka.

Waxaa shirkan si gaar ah loogu casuumay Xildhibaanada labada aqal ee laga soo doortay Koonfur galbeed iyo masuuliyiin kale.

Laftagareen Xildhibaanada laga Doortay Deganada Koonfur Galbeed kula dardaarmay inay muujiyaan isku duubni ku aadan Midnimada iyo Wadajir.

‘Anigoo 20 Sano jir ah ayaan diiday in nala gumeysto, hadda oo 50 jir aan nahay oo 2022-ka la marayo ma aqbalaayo in nala gumeysto” ayuu yiri laftagareen oo u muuqday inuu si dadban uga hadlayey khilaafka kala dhexeeya Rooble.

Waxaa la dulmiyey oo jidka loo taagan yahay oo sida sharci darada ah lagu heysto oo baadda isbaarada loogu dhigtay waa xildhibaano laga soo koonfur galbeed, waxaa sidaas yeelayana waa RW Rooble oo shuruudihiisa ay yihiin nin gurigayga ka shaqeeya xildhibaan iiga dhig. anagana ma rabo inaan xildhibaan ka dhignee waxaan rabnaa nin koonfur galbeed u shaqeynaaaya ayaan dhignay” ayuu intaas ku daray Laftagareen

Laftagareen ayaa lagu eedeeyey in Xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur galbeed uu ku xanibay magaalada Baydhabo si aysan u qaadan shahaadada iyo kaararka aqoonsiga Xildhibaanada oo ka socda Muqdisho.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka gadoodsan saddex ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay Baydhabo oo guddiga doorashada federaalku ay dib u celiyeen iyagoo sheega in habraacii saxsa ahaa aan loo marin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -