Ruushka oo laga saaray Golaha xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa ka joojiyay Ruushka xubinimadii golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada Midoobay sababo la xiriira Warbixinada ku saabsan xadgudubyada joogtada ah iyo ku xadgudubka xuquuqda aadanaha ciidamada Ruushka ay ka wadaan Ukraine.

Maraykanka oo riixaya mwshinkan ayaa helay 93 cod, halka 24 dal ay u codeeyeen maya, 58 dalna way ka aamuseen.

Ka joojinta waa naadir. Liibiya ayaa shaqada laga joojiyay sanadkii 2011-kii, sababo la xiriira rabshado ka dhan ah dibad baxayaasha oo ay wadeen ciidamada daacadda u ahaa hogaamiyihii xilligaas Mucamar Al-Qadaafi.

Waxa uu ahaa qaraarkii 3-aad ee ay ansixiyaan 193-ka xubnood ee Golaha loo dhan yahay tan iyo markii Ruushku uu duulaan ku qaaday dalka ay jaarka yihiin ee Ukraine 24-kii Feberaayo.

Qaraarka la ansixiyay Khamiistii waxa uu muujinayaa walaac weyn oo ku aaddan xuquuqda aadanaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ka socda Ukraine, gaar ahaan warbixinnada ku saabsan xadgudubyada xuquuqda ee Ruushka.

Ruushka ayaa sheegay in uu fulinayo “howlgal milatari oo gaar ah” kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu burburiyo kaabayaasha milatari ee Ukraine, wuxuuna beeniyay in la weerarayo dadka rayidka ah.

Ruushku waxa uu uga digay wadamada in codka haa ama ka aamusida loo arki doono “dhaqan aan saaxiibtinimo lahayn” oo cawaaqib ku yeelan doona xidhiidhka laba geesoodka ah, sida lagu sheegay qoraal ay aragtay Reuters. Akhri wax dheeraad ah

Moscow waa mid ka mid ah xubnaha ugu afka dheer golahan, waxaana hakinta lagu sameeyay ka mamnuucday inay hadlaan oo ay codeeyaan, mas’uuliyiintu waxay sheegeen, inkastoo dublamaasiyiinteeda ay weli ka qaybgeli karaan doodaha. “Waxay u badan tahay inay weli isku dayi doonaan inay saameyn ku yeeshaan Golaha iyagoo adeegsanaya wakiilo,” ayuu yiri diblumaasi fadhigiisu yahay Geneva.

Bishii hore goluhu wuxuu furay baaritaan ku saabsan eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda, oo ay ku jiraan dembiyada dagaal ee suurtagalka ah, ee Ukraine tan iyo weerarkii Ruushka.

 

 

- Advertisement -