Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada golaha shacabka oo beri kulmaya iyo Ajandaha kulanka oo la shaaciyay

Gudoonka golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa goordhaw fariin qoraaleed u diray Xildhibaanada golaha shacabka, waxaana xildhibaanada lagu wargaliyay in ay soo xaadiraan kulanka beri.

Ajandaha kulanka golaha shacabka ayaa gudoonka golaha shacabka ku sheegeen ka doodista Cudurka Covid-19 iyo sidoo kale ansixinta labo xubnood oo kamid noqonaya guddiga madaxa banaan ee xuduudaha .

Kulanka beri ayaa daba socda kulankii shalay rabshada kusoo dhamaaday, lamana oga in ajandaha kulankan uu ku ekaan doono midka hada gudoonka shaaciyeen, waxaana shaki laga muujiyay in Gudoonka iyo Villa Soomaaliya wadaan qorshe mudo kororsi ah.

Gudoomiyaha golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka ayaa qoraal uu xalay soo saaray kaga mamnuucay ilaa shan kulan 15-xildhibaan oo katirsan Baarlamaanka federaalka kuwaa oo lagu eedeeyay in kulankii shalay rabsho ka abuureen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bilado qaali ah oo la gudoonsiiyay Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Khayre oo amar ka soo saaray xil ka qaadista agaasimeyaasha Wasaaradaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Abiy iyo Antony Blinken oo arrimo muhiim ah oo taagan kawada hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---