Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askari ka tirsan ciidanka DF oo lagu dilay duleedka Muqisho iyo ninkii fuliyey oo..

Ciidanka Booliska Somalia ayaa sheegay iney caawa toogteen nin hubeysan oo ka tirsanaa Al shabaab kaasoo dil u geystay askari ka tirsan Ciidanka dowlada hoose oo ku sugnaa degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho.

“Caawa  oo Taariikhda tahay 06-04-2022  Abaaro  6:30 maqribnimo  waxaa weerar lagu soo qaadey Askari Minishiibiya ah oo Joogay Deegaanka Garasbaaley  gaar ahaa waaxda 3aad  ee Geedi Ferdhiye.

Booliska ayaa intaas ku daray goobtii lagu diley Askarigii   Minishiibiyada ahaa, isla markaana Ciidamo Boolis oo Goobta ku dhowaana ay  isla goobtii ku dileen Mid ka mid ah dableydii weerarkaas fulisay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in meydka nin ay toogteen Booliska uu weli yaallo goobtii lagu dilay, iyadoo dadka degaanku sheegeen ineysan bar garaneynin, uuna ka yimid xaafado kale.

Related posts

Nin dilay dad ka badan 100-Qof oo ka sheekeeyay Dhacdooyin argagax leh

Cabdi Cade

Xogta kulan Wasiir Fiqi la qaatay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Catriona Laing (Sawirro)

Caydiid Ali

 Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan Magacaabaya Guddi ka shaqeeya dabagalka….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---